- Fadliga wayn ee cimliga shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.
- Waa lama huraan in xaqa lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaqa, oo hadii qolo ka tagto qolo kale ay ku taagnaato.
- Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay adoonkiisa.
- Nabigu scw wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonista Ilaahay, ee isagu waxbana mahaysto.