- Waa waajib in diinta la qabsado, oo loo degdego camalka saalixa ah inta aanay imaan wax dadka u diida camalka saalixa ah.
- Waxaa la ishaaray in fitnooyinka lagu baadiyoobo isdaba joogaan aakhiru samaanka, oo markii fitno tagtaba waxaa daba socota fitno kale.
- Hadii diinta qofku daciifto oo uu dhaafsado diintiisa wax yaroo maal aduunyo ama wax kale ah, taasi waxay sabab u noqonaysaa inuu ka leexado oo isaga tago diinta oo uu iska dabagalo fitnooyinka.
- Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay inuu camalka saalixa ahi sabab u yahay in fitnada laga bad-baado.
- Fitnadu waa labo qaybood: fitno shubho ah, dawadeeduna waa Cilmi, iyo fitno shahwo ah, dawadeeduna waa iimaan iyo sabir.
- Xadiiskan waxaa lagu ishaaray in qofka cibaadadiisu yaraato fitnadu ku soo degdegayso, qofka cibaadadiisu badan tahayna waxaa haboon inuusan ku kadsoomin khayrka uu haysto balse waa inuu khayrka badsadaa.