- Fadli ayey leedahay in laga mahad celiyo nicmada oo lagu sabro dhibka, qofka sidaa sameeya aduun iyo aakhiroba wuxuu helayaa khayr, qofka aan ka mahad celin nicmada oo aan ku sabrin musiibada waxaa dhaafay ajar wayn, wuuna danbaabay.
- Iimaanku fadli ayuu leeyahay, ajarkana mar walba waxaa iska leh dadka iimaanka leh.
- Nicmada oo laga mahad celiyo, iyo dhibka oo lagu sabro waa sifaadka muuminiinta.
- In la rumeeyo Qadaha iyo qadarka Ilaahay waxay ka dhigaysaa Muuminka inuu axwaashiisa oo dhan ku raali noqdo, waxaa ka duwan qofka aan muuminka ahayn kaasoo ku jiraya caro joogto ah marka dhib ku dhocoba, hadii Ilaahay nicmo siiyana wuxuu kaga mashquulaa cibaadada Ilaahay, waliba wuxuu u isticmaala macsida Ilaahay.