- Waa cadayn fadliga Ilaahay siiyey adoomadiisa muuminiinta ah iyo siduu ugu naxariistay uguna danbi dhaafay dhibka ugu yar ee soo gaaray.
- Waxaa ku haboon muuminku inuu Ilaahay kaga ajar dalbo wixii dhib ah ee ku dhaca kuna sabro wixii yar ama wayn ee ku dhaca si ay ugu noqoto mid darajadiisa kor u qaada danbigana looga dhaafo.