/ Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa

Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihiise wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.
Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa: ha ahaate wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta salaada iyo jamcinteeda waqtiga safarka. sida Ilaahay u jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.

Hadeeth benefits

  1. Ilaahay wuu u naxariistay adoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in la qaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
  2. waa kaamilnimada shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.