- Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga scw uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
- Waa suno in afka iyo sanka lasaaro maro ama masar iyo wixii la mid ah markuu qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba qofka la fadhiya.
- In codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo waa la rabaa, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.