- Aadaabta cunida iyo cabida waxaa ka mida Bisika oo lagu bilaabo.
- Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa qofku masuulka ka yahay.
- Waa Nabiga scw naxariistiisa waasica ah iyo dulqaadkiisa markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
- Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada inuu ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
- Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu scw arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.