- Qofka muuminka ah waxaa waajib ku ah inuu dadka Ilaahay jeclaysiiyo, khayrkana jeclaysiiyo.
- Daaciga dadka Ilaahay ugu yeeraya waxaa ku haboon inuu qaab xikmadaysan ugu yeero dadka markuu diinta islaamka ugu yeerayo.
- Bishaaraynta waxa ka dhasha farxad, ogolaasho iyo in lagu kalsoonaado daaciga, markuu dadka wax u sheegayo.
- Adkayntuna waxay keentaa kala yaac iyo kala jeensi iyo in laga shakiyo hadalka daaciga.
- Naxariista balaran ee Ilaahay siiyey adoomadiisa waxaa ka mida inuu uga raali noqday diin fiican iyo shareeco fudud.
- Fudaydinta la is faray waa mida shareecada Islaamku la timid.