/ Qofka difaaca cirdiga iyo sharafta walaalki Ilaahay baa isna wajigiisa naarta ka difaaci maalinta qiyaamaha

Qofka difaaca cirdiga iyo sharafta walaalki Ilaahay baa isna wajigiisa naarta ka difaaci maalinta qiyaamaha

Abii Dardaa Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Qofka difaaca cirdiga iyo sharafta walaalki Ilaahay baa isna wajigiisa naarta ka difaaci maalinta qiyaamaha."
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka difaaca sharafta walaalkiisa muslimka ah markuu maqan yahay, isagoo u diidaya in lacaayo oo la xumeeyo, qofkaa wajigiisa Ilaahay waa ka Ilaaliyaa cadaabka maalinta aakhiro.

Hadeeth benefits

  1. Waxaa la reebay in wax laga sheego cirdiga muslimiinta.
  2. Abaal marintu waa nooca camalku yahay, qofka cirdiga walaalkiisa muslimka ah difaaca isagana Ilaahay baa naarta ka celiya.
  3. Islaamku waa diin walaaltinimo faraysana muslimiintu inay xaqa isugu hiiliyaan.