- Dadku way ku kala duwan yihiin iimaanka.
- Waa sunne in xoog loo yeesho camalka aan qabanayno, waayo xoogga waxaa ku yimaadda faa'iido aan ku iman karin daciifnimada.
- Waxaa lagudboon aadoonku inuu ku dadaalo wixii faa'iido u leh, kana fogaado wixii aan tar u lahayn.
- Waxaa mu'uminka waajib ku ah inuu Ilaahay gar-gaar waydiisto dhamaan umuurihiisa oo dhan, oo uusan naftiisa isku hallayn.
- Waxa Alle xukumo iyo qaddarkiisuba waa run oo waa wax cad oo sugan, kamana hor imanaayo in qofku sababaha iyo dadaalka sameeyo, kheyrkana u dadaalo.
- Waxaa la reebey Ereyga ''haddaan saa yeeli lahaa'' oo si caro ku jirto loo dhaho marka musiibo qofka ku dhacdo, waana xaraan in la diido qadaaga iyo qaddarka Ilaahay.