- Waa muhiim in la ilaaliyo salaada jamaacada ah oo lagu tukado masaajidka, oo ihtimaam la siiyo salaadaha oo aan laga mashquulin.
- Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si fiican ayuu ugu soo bandhigay asxaabtiisa wuuna jeclaysiiyey isagoo ku bilaabay qaab su`aal ah, waana qaab ka mida qaababka wax loo baro dadka.
- Faa'iidada ay leedahay masalada oo loo dhigo qaab su'aal iyo jawaab ah: waa inuu hadalku noqdo mid saamayn ku leh nafta waayo inta la qariyey ayaa la cadeeyey.
- Wuxuu yiri imaam Nawawi-Allaha u naxariistee: kaasi waa ribaad: waa ribaad la jecel yahay, Ribaadka asal ahaantiisuna waa in shay la xabiso waa sidii isago naftiisa u xabisay cibaadadaas, waxaa kaloo la yiri waa ribaadka ugu fadliga badan waxaa kaloo la yiri: jihaadka runtaahi waa jihaadka nafta, waxaa kaloo la yiri waxaa dhici karta in laga wado ribaadka qofka u fudud oo u suuragalka ah, yacni: waa ribaad ka mida noocyada ribaadka.
- Way soo noq-noqotay weedha "Ribaad" waxaana lagu qeexaa "AL" waana tan wax lagu qeexo: si loo wayneeyo xaalka acmaashaas.