- Asaxaabu waxay aad ugu dadaalayeen barashada dhaqanka wanaagsan ee anfacaya aduun iyo aakhiraba.
- Salaanta iyo cunto siintu waa acmaasha ugu fadliga badan Islaamka, waana fadli badnaanteeda iyo baahida dadku ay u qabaan waqti walaba.
- Labadaa sifo waxaa ku kulmay ixsaankii oo hadal iyo ficilba ah, waana ixsaanka ugu kaamilsan.
- Sifooyinkaani waxay ku saabsan yihiin tacaamulka muslimiinta dhexdooda, waxaase jira sifooyin kale oo ku saabsan adoonka oo la tacaamulaya Rabigi.
- Salaanta oo aad qofka ku bilawdo waxay gaar u tahay muslimiinta dhexdooda, gaalse salaan laguma bilaabo.