/ (muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo)

(muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo)

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: (muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo).
Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda muslimku ku leeyahay walaalkiisa muslimka ah. Kan koowaad: waa inaad cidii ku salaanta aad salaanta ka radido. Xaqa labaad: waa booqashada qofka jiran iyo siyaaradiisa. xaqa saddexaad: waa janaasada raacideeda laga bilaabo gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa u yeerida oo la ajiibo haduu ugu yeero casuumad guur iyo qayrkoodba. xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay wuxuu oronayaa: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.

Hadeeth benefits

  1. Islaamka waynidiisa waxay ka muuqataa adkaynta xuquuqda u dhaxaysa muslimiinta iyo xoojinta walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.