- kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo maada ahaan iyo macnawi ahaanba maahee.
- Carabka iyo gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
- waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.
- Muslimiinta waxaa ugu fadli badan qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.
- Xadgudubku wuxuu noqo karaa hadal ama ficil.
- Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.