- Diinta islaamku waa diin naxariis, waana diin dhamaanteed ku taagan daacada Ilaahay iyo wanaajinta kuwuu Ilaahay abuuray.
- Ilaahay isagaa wayne wuxuu ku tilmaaman yahay mid naxariis badan, waana Allaha naxariista guud iyo midda gaarka ahba naxariista, adoomadiisana naxariista gaarsiiya.
- Abaal marintu waa kolba siduu yahay camalka la qabto-wanaag iyo xumaanba, kuwa naxariista badan Allaha raxmaanka ah baa u naxariista.