- Haweenayda uma banaana inay safarto maxram la'aan.
- Safarka haweenaydu maxram uma noqon karto haweenay kale, waayo Nabigu scw wuxuu yiri: "ninkeeda ama mid maxram u ah."
- Socod kasta oo safar loo yaqaan haweenayda waa ka xaaraan hadaanu la socon ninkeedu ama maxram kale oo rag ah, xadiiskanina wuxuu ahaanayaa kolba duruufta qofka su'aasha leh iyo dalka uu ku nool yahay.
- Maxramka gabadhu waa ninkeeda iyo nin walba oo qaraabada aanay waligood is guursan karin ah, sida Aabbaha, Wiilkeeda, Adeerka, Abtiga, ama dhinaca nuugmada, sida Aabbaha nuugmada, Adeerka nuugmada, ama xididnimo, sida ninkeeda aabihi, marwalbana maxramku waa inuu ahaado muslim, qaan gaar ah , caqligiisu dhan yahay, Aamin lagu kalsoon yahay, ujeedada maxramku waa inuu ilaalin karo gabadha oo masuuli ka noqon karo.
- Shareecada Islaamku way maamustay haweenka, oo ilaalisay oo xushmaysay.
- Salaada sunaha ah ee aan sabab lahay ma ansaxayso salaada fajarka iyo casarka ka dib, waxaa laga soo reebay oo la tukanayaa salaadaha qadaha ah ee faralka ah ee qofka dhaafay, iyo sunaha sababta leh, sida taxiyatul masjidka iyo wixii la mida.
- Waa la xarimay salaada marka qoraxdu toos u soo baxayso ka dib, balse waa inay kor u soo kacdo ilaa wax le`eg waran oo kale, oo u dhaw toban daqiiqo ilaa rubuc saac.
- Waqtida salaada casarku waa ilaa qorax dhaca.
- xaddiiska waxaa ku sugan inay banaan tahay in saddexdaa masaajid loo safri karo.
- xaddiiska waxaa ku sugan fadliga ay leeyihiin sadexdaa masaajid, oo ay inta kale dheer yihiin.
- Ma banaana in loo safro siyaaro qubuur, haba ahaado qabriga Nabigee-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, qofkiise madiina jooga ama u yimaada ujeedo mashruuc kale way u banaan tahay booqashada qabriga Nabiga.