(qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa lugood waxaan u balan qaadayaa janada)
Sahal Binu Sacad Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: (qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa lugood waxaan u balan qaadayaa janada).
Waxa wariyay Albukhaari
Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu sheegay labo arimood oo hadii qofka muslimku ilaaliyo uu janada ku galayo.
Tan koowaad: waa carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka caraysiinaya.
Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi
Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.
Hadeeth benefits
Carabka iyo farjiga in Ilaaliyo waxay sabab u tahay galida janada.
Waxaa si gaara loo sheegay carabka iyo farjiga, waayo labadoodu waa mimbaca ugu wayn ee dadka dhibku uga imaanayo aduun iyo aakhiroba.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others