- Waxaa aad looga digay inuu qofka muslim ka ahi walaalihiisa muslimiinta ah la dagaalamo.
- Munkarka iyo fasahaadka ugu wayn dhulka korkiisa waxaa ka mida in muslimiinta hub looqaato, iyo in dhulka dil lagu fasahaadiyo.
- Goodiga adag ee la soo sheegay makhuseeyo dagaalka xaqa ah, sida la dagaalanka kuwa sharciga jabiya, iyo mufsidiinta, iyo qayrkood.
- Waa xaaraan in muslimiinta lagu cabsi geliyo hub iyo waxa la midka ah- kaftanba ha ahaatee-.