- Qofkii qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
- Waxaa si adag looga diyagaa in muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi naar lagu galayo.
- Dagaalka dhex mara muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
- Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu scw wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
- Hadii labo muslim ahi ay isu qaataana shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba naartay galayaan, seefta lagu xusay xadiiska waa tusaale uun.